Wed, March, 10-2010 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FREIND  
Inkastoo xaalad degenaansho laga dareemayo Suuqa Bakaaraha tan iyo wixii ka dambeeyay dilal is xig xigay oo shalay ka dhacay ayaa hadana waxaa wadooyinka soo gala lagu arkayaa Xoogag Hubeysan oo aad u feejigan.

Shalay kaliya waxaa Suuqa lagu dilay ilaa saddex ruux oo mid uu ahaa Barre Cali Barre oo ahaa Sarkaal ka tirsan Xisbul Islaam, kaasoo ragg hubeysan ay ku toogteen gudaha suuqa.

Kadib dilkaas ayaa waxaa gelinkii dambe ee shalay lagu dilay Suuqa labo ruux oo kale, kuwaasoo aan la ogeyn cida ay ahaayeen, hase ahaatee waxay dilalkan qeyb ka ahaayeen dhacdooyin xiriir ahaa oo qaraxyo iyo dilal isugu jiray oo beryihii u dambeeyay ka dhacayay halkaas.

Suuqa Bakaaraha oo ay gacanta ku hayaan Xoogaga ka soo horjeeda ayaa waxaa lagu soo waramayaa in ay ka jirto dhaq dhaqaaq ciidan, kadib markii Xoogag badan ay soo buuxiyeen agagaarka Suuqa.

Xoogagan oo taagan wadooyinka iyo isgoysyada Suuqa ayaa wada nidaaminta Gaadiidka isaga kala goosha, iyo howlo ammaanka lagu sugayay, mana jirto dhaq dhaqaaq intaas ka badan oo ay sameynayaan.

sikastaba ha ahaatee Axmed Islaam ayaa todobaadkii hore sheegay in dagaalkoodi ay u wareejin doonaan muqdisho weeraro gaadmo ah oo ay ku ugaarsanayaan madaxda iyo saraakiisha Al Shabaab, dilka marxuum Bare shalay waxaa ka horeeyey dil Isniintii Loo Geystay Sarkaal Shabaab Ka Tirsanaa.

Xafiiska Wararka Muqdisho Ee Baidoanews

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco baidoanews.com Isha koowaad ee wararka dhabta ah Ka soo dhiibo wixii fikirkaaga ama macluumaad aad heyso webmaster@baidoanews.com.

Baidoa Information Center

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Virivication Code :  
 
 
 
HAMBALIYO AROOS Views: 115363
 
© Copy Right Baidoa Information center 2009 - 2010 All Rights Reserved. - Powered by: Ileys Web Control 2.0 Free counter and web stats

Visitors online: 008