Wed, March, 10-2010 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FREIND  
Hogaanka Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka u qaabilsan Africa General William Ward ayaa shaaca ka qaaday inay ka qeybqaadan doonaan Dagaalka DKMG ahi ku dooneyso qabsashada Caasimada wuxuuna arintaa ku tilmaamay mid lagu soo celinayo Xasiloonida Dalka.

Gen William Ward oo warbixin siinayey Golaha Odoyaasha Mareykanka ayaa sheegay inuu haatan socdo u diyaargaworga qabsashada Caasimada wuxuuna carabka ku adkeeyey in Mareykanku arintaa gacan weyn ka geysanayo.

Waxa uu diiday inuu tafaasiil ka bixiyo qaabka ay noqoneyso taageeradooda laakin wuxuu ku celceliyey inay Sh Shariif lagarab taagan yihiin Taageero dhan walba leh.

Sidoo kale wuxuu sheegay inay ka gacan siin doonaan Dowlada Sheekh Shariif soocelinta Amaanka iyo kala dambeynta.

Wargeyska New York Times ayaa Isbuucii la soo dhaafay ka soo xigatay Mas’uuliyiin Mareykana oo diiday in la sheegay magacooda in Ciidamada gaarka ah ee Mareykanku gacan ka geysan doonaan inay DKMG lawareegto Caasimada Muqdisho lagan Ceyriyo Xoogaga Islaamiyiinta ah.

Waxuuna wargeysku adkeeyey in Weerarkaasi bilaaban doono Isbuucyo gudohood balse weli looma haayo xaqiiqda dhabta ah ee waxa jira, ama jiri doona isbuucyada soo socda.

 Abdi Mo,alim Ibrahim Oregan USA-Baidoanews

Email: Taako82@hotmail.com

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco baidoanews.com Isha koowaad ee wararka dhabta ah Ka soo dhiibo wixii fikirkaaga ama macluumaad aad heyso webmaster@baidoanews.com.

Baidoa Information Center

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Virivication Code :  
 
 
 
HAMBALIYO AROOS Views: 116531
 
© Copy Right Baidoa Information center 2009 - 2010 All Rights Reserved. - Powered by: Ileys Web Control 2.0 Free counter and web stats

Visitors online: 005