Xaq u diririyaashii jabhadii RRA, oo aanay jirin cid dooratay iyo meel lagu doortay ayaa kasokow hogaamiyahooda coll-Shaatigaduud waxaa xigey labo kuxigeeno oo dhexdooda iska magacaabeen,ku waasoo kala ahaa Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ku xigeenka saddexaad Maxamed Ibraahim Xaabsade. Dadka ka soo jeedo deegaanadaas Gobolka Baay ayaa marlabaad hadana waxay galeen dhibaato murugeysan oo mugdi ah ‘’Dowkley Dowhoraad Ernaa’’dhibaato fara badan bey la kulmeen qax iyo barakac sidii 1992 – 1993 ka dhacdey ‘’kadaroo dibi dhal’’ iyagii oo aan weli laga kabsan dhibaatadii ay soo mareen ayaa hadana barakac kale la geliyey. Waxaa ka qaxey ku dhowaad 300,000 oo qoysas ku jiraan.




Caydiidna ula jeedadiisu waxey aheyd sidii u dhaxli lahaa dhukan Digilmirifle balse uguma horeyn dhulalkan oo kelya,wuxuu horey usoo qabsadey Gobolo kale dabadeedna dib loogu qabsadey, ula jeedadiisu waxay aheyd maadaama uu Xamar kula gorgortamayo Cali Mahdi qadka cagaaran u dhaxeeya wuxuu ku fikarey dadka dhulkan ka soo jeedaan Digilmirifle siduu ku hanan lahaa dabadeedna wuu qabsadey.
waxoo kaloo damacsanaa sidii dadkiisana usoo dejin lahaa dhulkaas sidii uu uga soo rari lahaa dhulka dhagaxa ay ku noolaayeen meesha isaga uu kasoo jeedey.
Dadka ka soo jeedo deeganaadaas ayaa ka biyo diidey inay Qaxooti noqdaan abaabul dagaal bey galeen dadkii dhulkaas u dhashey ee Gobolka Baay. Sideedaba dadka Raxweynta markii qof u yimaado oo gobolada kale, soo dhaweyn wanaagsan oo bani-aadamnimo ku jirto, ma waxey ka door bidaayaan Qaxootinimo xero inay galaan arrintaasi ma aysan dhicin.
Caydiid wuxuu degey Qasriga Madaxtooyada ee Baydhabo, wuxuu iskugu yeerey Odayaashii deegaanadaas kasoo jeedeen oo isaga raacsanaa, wuxuuna u sheegay inay hub iyo dhalinyaro keenaan sidii loogu howl gelin lahaa deegaanadoodu maadaama ay si wanaagsan ay u garanayaan ileen waa dhulalkooda, wayna ka ogolaadeen odayaashii Raxweyn intii isaga raacsanaayeen.
Caydiid wuxuu ka qaadi jirey canshuur baad ah qofkii diidana waa loo hanjabi jirey, waxaa loo sameeyey warqado canshuurta lagaga qaadayo dadka ka shaqeeyana ay yihiin dad deegaanka u dhashey oo raacsan yihiin dhinaca Caydiid.
Taariikhdu markey aheyd 26/11/1995 Waxaa igu cajiibka badnayd anigoo marahayo suuqa Baydhabo ayaa kuwa caano wato oo beec la fadhiya oo ayaa mid ka mid ah kuwa canshuuraha qaado ayuu u yimid .
wuxuu ku yiri waa inaad canshuurta aad bixisaan qofka saas oranaya wuxuu u dhashey deegaanku Naagtii caanaha bey waxey ku tiri si fiican bay isu garanayeen kaali iga qaad ayey ku tiri waxeyna ku tiri doqon baa tahay oo dantiisa aqoon ee shaqo la’aanbaa ku haysa orod oo iga tag.
naagtii wuu iskaga tagey wuxuu soo watey kuwa maleeshiyada Caydiid ka dibna qoftii dumarka aheyd oo diiday canshuurta ayaa Qori baadkiisa lagu dhaftey, caanihiina way ka daadiyeen kii canshuur qaade kama hadli karo waxyaabaha lagu sameynaayo.
Caydiid wuxuu weerar ku qaadey meelo badan oo goboladaas ka mid ah sida Bakool ee magaala madaxda Xudur janaayo 16, 1996 wuuna qabsadey isla todobaad gudihiisa wuxuu kaloo sii qabsadey Tiyeeglow oo ah meel aad u muhiim u ah xagga ganacsiga oo ay isku xiri jirtey Xamar iyo Xudur intuu Caydiid haystey, waxaa la soo sameyn jirey xamar badeecadii laga soo qaado waxaa la soo marin jid wareegasho dheer ee uu ku soo dhaco Tiyeeglow.
Lasoco Todobaadka dambe ee Khamiista Insha Allah,
Ahmed Sh. Hassan (Abti Cadde) Swiss Zurich, abti20@hotmail.com
Wixii warar ee ku soo kordha kala soco baidoanews.com Isha koowaad ee wararka dhabta ah Ka soo dhiibo wixii fikirkaaga ama macluumaad aad heyso webmaster@baidoanews.com
Baidoa Information Center