Wed, March, 10-2010 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FREIND  
Abaara 5:30 salaadii subax kadib ayaa qeybo kamid ah waqooyga Muqdsho waxaa ka bilowday dagaalo culus oo laysu adeegsaday Hubka cul-culus iyo kuwa fudud.

dalaadan ayaa waxa ay u dhaxeeyaan ciidamada dowlada iyo Kooxaha ka soo horjeeda yadoo ilaa iyo iminka aan la xaqiijin karin khsaaraha soo kala gaaray labada dhinac.

dagaaladan waxaa laysu adeegsaday hubka noocyadiisa kaladuwan iyadoo daryanka madaafiicda laga maqlayo qeybo kamid ah magaalada Muqdsho.

dagaalada waxay ka bilowdeen agagaarka Hotel Golobol Degmada C/casiis ee magaalada Muqdisho iyo agagaarka Bondheere halkaasi oo ay isku horfadhiyeen Ciidamada dowlada iyo xoogaga ka soo horjeeda.

Iska hor imaadyadan oo ay weli socdaan ayaanay jirin cid si gaar ah u sheegatay xoogaga dowlada ka soo horjeeda, waxaana adag in lahelo khasaaraha ka dhashay maadaama ay weli socdaan dagaalada, laakiin wara ayaa sheegaya inuu jiro khasaaro ka soo gaaray dhinacyada dagaalamaya iyo weliba dad rayid ah oo xabadu ay ku haleeshay meelo ka fog halka ay dagaaladu ka socdaan.

Xafiiska Wararka Muqdisho Ee Baidoanews

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco baidoanews.com Isha koowaad ee wararka dhabta ah Ka soo dhiibo wixii fikirkaaga ama macluumaad aad heyso webmaster@baidoanews.com.

Baidoa Information Center

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Virivication Code :  
 
 
 
HAMBALIYO AROOS Views: 115354
 
© Copy Right Baidoa Information center 2009 - 2010 All Rights Reserved. - Powered by: Ileys Web Control 2.0 Free counter and web stats

Visitors online: 009