Tue, March, 09-2010 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FREIND  
Madaxweynaha Dowladda KMG ah ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo shir jaraa'id ku qabtay Magaalada London ayaa kaga kulamadii uu la qaadan Madaxda Britain iyo qorshaha Dowladdiisa ee ku aadan sidii ay gacanta ugu dhigi laheyd dalka oo dhan.

Madaxweyne Shariif ayaa ugu horeyn sheegay in bartamaha bishan ay Dowladdiisa tallaabo ka qaadi doonto Xoogaga Mucaaradka, isla markaana weeraro ballaaran ku ekeyn doonto deegaanada ay maamulaan.

Shariif ayaa cod dheer ku sheegay in Ciidamada Dowladda ay ku jiraan diyaar garowgii ugu dambeeyay, isagoo sheegay in Ciidamada ay u diyaarsan yihiin sidii ay dalka kaga xoreyn lahaayeen waxa uu ugu yeeray Argagixisada.



Mar uu ka hadlay kulamadii uu la qaatay Madaxda Britain ayaa sheegay inuu guul ku soo dhamaadeen, waxaana uu cadeeyay in Ra'iisul Wasaaraha Ingiriiska Gordon Brown uu taageero u muujiyay.

Waxaa uu soo dhoweeyay hadalkii ka soo yeeray Dowladda Mareykanka, kaasoo ahaa in ay weeraro xaga cirka iyo kuwa gaar ah ka geysan doonto deegaanada ay maamulaan Xoogaga Islaamiyiinta, isagoo tallaabadaas ku tilmaamay mid loo baahan yahay.

 Jaamac Maxamed Cabdullahi Bilgirham Uk-Baidoanews

Email: jama506@live.co.uk

 

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco baidoanews.com Isha koowaad ee wararka dhabta ah Ka soo dhiibo wixii fikirkaaga ama macluumaad aad heyso webmaster@baidoanews.com.

Baidoa Information Center

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Virivication Code :  
 
 
 
HAMBALIYO AROOS Views: 115356
 
© Copy Right Baidoa Information center 2009 - 2010 All Rights Reserved. - Powered by: Ileys Web Control 2.0 Free counter and web stats

Visitors online: 006