Tue, March, 09-2010 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FREIND  
Saraakiisha Xisbul Islaam ayaa si cod hoose uga hadlay dil bareer ah oo maanta gudaha Suuqa Bakaaraha loogu geystay mid ka mid ah saraakiishooda ugu cad cad, kaasoo dhalinyaro ku hubeysan Basoolado ay si qorsheysan u dileen.

Gudoomiye Kuxigeenka Gobolka Banaadir Sheekh Ibraahim Barre ayaa sheegay in ay wadaan baaritaan xoogan oo ay ku ogaanayaan cida ka dambeysa dilkaas, ha yeeshee ma jirto cid uu si gaar ugu eedeeyay.


 Barre ayaa ku eedeeyay in ay ka dambeeyaan dilkaas Kooxo Hubeysan, oo uu sheegay in ay ku soo bateen deegaanada ay maamulaan, waxaana uu tilmaamay in ay wax ka qaban doonaan.

Sidoo kale Maxamed Macalin oo ah Xoghayaha warfaafinta Xisbul Islaam ayaa sheegay in dilkaas uu ahaa mid ay soo maleegeen ragg hubeysan oo aanu carabaabin, laakiin waxaa uu sheegay in ay ka xun yihiin dilkaas.

Waxaa uu sheegay Maxamed Macalin in saacadaha soo socda ay jawaab cad ka soo saari doonaan cida ka dambeysay dilkaas, marka ay aasaan Marxuumka geeriyooday.

Barre Cali Barre waxaa uu ka mid ahaa Saraakiisha Raaskambooni, waxaana uu ahaa mid ka mid ah baalasha Sheekh Xasan Dahir Aweys iyo Axmed Madoobe, ha yeeshee tani ayaa waxay tahay mid Wadaadka dhabar jab ku ah.

Xafiiska Wararka Muqdisho Ee Baidoanews

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco baidoanews.com Isha koowaad ee wararka dhabta ah Ka soo dhiibo wixii fikirkaaga ama macluumaad aad heyso webmaster@baidoanews.com.

Baidoa Information Center

 

 

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Virivication Code :  
 
 
 
HAMBALIYO AROOS Views: 115356
 
© Copy Right Baidoa Information center 2009 - 2010 All Rights Reserved. - Powered by: Ileys Web Control 2.0 Free counter and web stats

Visitors online: 010