Tue, March, 09-2010 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FREIND  
Barre Cali Barre oo ka tirsanaa ururka Xisbul Islaam ayaa goor dhow lagu dilay suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho kaasoo ay hada meydkiisa la qaadey.

Dad goobjoogayaal ah oo ku sugan suuqa Bakaaraha ayaa baidoanews u xaqiijiyay in Barre Cali Barre oo ka mid ahaa horjoogayaasha Xisbul Islaam lagu dilay meel ku dhow Machadka SOCOMIN ee suuqa Bakaaraha, kaasoo aan la ogeyn cida dishay iyo sababta.

Ma ahan markii ugu horeysay oo saraakiil katirsan xoogaga hubeysan ee xisbul islam lagu toto magaalada muqdisho ee gobolka banaadir kuwaasoo aan ilaa iyo hada la helin rasmi ahaan dadkii ka dambeeyey falalkaasi qaarijinta ah.

Intabadan ayaa waxaa lagu kasi jirey dilalka noocaan ah inay fuliyaan kooxaxa hubeysan ee dowlada kasoo horjeeda balse waxaan la ogeyn cida xiligaan fuliseysa falalkaan, balse waxaa horey loo yiri Dilaayow Dilaa Kuu Dambeeya.

 Xafiiska Wararka Muqdisho Ee Baidoanews

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco baidoanews.com Isha koowaad ee wararka dhabta ah Ka soo dhiibo wixii fikirkaaga ama macluumaad aad heyso webmaster@baidoanews.com.

Baidoa Information Center

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Virivication Code :  
 
 
 
HAMBALIYO AROOS Views: 115371
 
© Copy Right Baidoa Information center 2009 - 2010 All Rights Reserved. - Powered by: Ileys Web Control 2.0 Free counter and web stats

Visitors online: 007