Tue, March, 09-2010 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FREIND  
Kooxo afka soo duubtay ayaa Xalay dilay nin Macalin ah kaasi oo ka soo baxay Salaadii Cishaha xaafad ka mida Degmada Dharkenlye ee Magaalada Muqdisho.

Macalinka la dilay ayaa waxa uu ahaa bare ka mid ah Dugsi ku yaala Degmadaasi iyagoo kooxda dishay ay ku sugayeen Banaanka Masjidka uu salaada cishaha ku dukanayay.

Xiliga uu masjidka ka soo baxay ayaa waxaa lagu dhiftay 5-xabadood oo ka dhacaysay Bistoolad taasi oo dadka deegaanka ay ka argagaxeen sababta loo diulay Macalinta.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ninkaasi Macalinka ah uu ahaa nin ay walaala yihiin mid ka mida Saraakiisha Ciidamada Dowlada oo mararka qaar guriga uu daganyahay imaan jiray sida dadka deegaanka ay sheegeen.

Dilalka ayaa waxa ay noqdeen kuwa si joogta ah uga dhacayay dhawaanahan deegaanada magaalada Muqdisho taasi oo noqotay mid shacabka ay la qabsadeen qofkii la dilaa in lala xiriiorinayo dhinacyada siyasada isku haya. 

Xafiiska Wararka Muqdisho Ee Baidoanews

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco baidoanews.com Isha koowaad ee wararka dhabta ah Ka soo dhiibo wixii fikirkaaga ama macluumaad aad heyso webmaster@baidoanews.com.

Baidoa Information Center

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Virivication Code :  
 
 
 
HAMBALIYO AROOS Views: 115371
 
© Copy Right Baidoa Information center 2009 - 2010 All Rights Reserved. - Powered by: Ileys Web Control 2.0 Free counter and web stats

Visitors online: 006