Gudoonka sare ee Baarlamaanka Somaaliya ayaa shaaca ka qaaday inaysan waxba kala socon safar ay Garoowe ku yimaadeen qaarkamid ah xildhibaanada Baarlamaanka ee Soomaaliya,wuxuuna gudoonku sheegay in xildhibaanadaasi aysan Baarlamaanka Soomaaliya matalin.Gudoomiye kuxigeenka Labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Cismaan Cilmi Boqore oo la hadlay qaarkamid ah Warbaahinta Muqdisho ayaa sheegay in xildhibaanadaasi ay Garoowe u joogan dan ay iyagu leeyihiin balse aysan u joogan shaqo uu u dirsaday Baarlamaanka Soomaaliya,wuxuuna sheegay in xildhibaanadu ay xaq u leeyihiin inay deegaanadooda tagaan.
Waxba kalama socono joogitaanka Xildhibaanada Garoowe kusugan Gudoonka Sare ee Baarlamaankuna ma oga wax shaqo ah oo ay deegaanadaas u tageen,balse iyaga ayaa danahooda gaarka ah u jooga.
waxayna xaq u leeyihiin inay tagaan Deegaanadooda taasina waa iska caadi balse annagu maanan dirsan,Ayuu yiri Xildhibaan Boqore oo ku hadlayey Afka Gudoonka baarlamaanka.
Mr,Boqore ayaa sheegay in qaarkamid aha Xildhibaanadaasi ay dibad joog ahaayeen oo aysanba Muqdisho in mudo ah imaanin aysana is arag waayahaan intooda badan,wuxuuse amaanay inay wadaan shir ay ku heshiisiinayaan Dawlada Puntland &Dawlada dhexe ee Soomaaliya.
Xafiiska Wararka Muqdisho Ee Baidoanews
Wixii warar ee ku soo kordha kala soco baidoanews.com Isha koowaad ee wararka dhabta ah Ka soo dhiibo wixii fikirkaaga ama macluumaad aad heyso webmaster@baidoanews.com.
Baidoa Information Center