Police ka dalka south Africa ayaa ku sababeeyay weeraraada faraha badane e soomaalida lagu qaado Lacagaha Kaashka Ah Oo ay dhigtaan Goobohooda ganacsiga, taasoo keeneysa bay yiraahdeen in burcadu ay ugaarsadaan ganacsatada iyo meelaha ay ka ganacsadaan.Sarkaal u hadlay ciidamda dalka south Africa gaar ahaan kuwa amaanka ayaa sheegey baaritaano badan ay sameeyeen inay ku ogaadeenin ganacsatda soomaalida lacagaha kaashka ah ee ay helaan inay dhigtaan goobohooda ganacsiga halka ay ka diga lahaayeen Banki.
Ma haboona in lacag kaash ah guri lagu heysto oo amaankiisa aan wanaagsaneeyn, Jini iyo insi sheekh iyo shariif lacag cid diideysa malahan ama ka tagaysa ayuu yiri sarlaalkaan, wuxuuna faray soomaalida si loo yereeyo dhibaatada marwaliba ay ganacsatada la kulmaan waa in lacagta lageeyaa Bankiyada oo la iska bixiyaa canshuurta dowlada .
Sidoo akle wuxu ku eedeeyay soomaalida marka ay burcad dembi geysatay ay qabtaan oo dacia lagu soo oogo inaanay soomaalida ku cadeyneynin dembiilaha dembigiisa oo aysan imaaneynin xitaa hadii loogu waco maxkamad horteeda.
Xasan Xuseen(Xasan Shimeeri) Johannesburg-Baidoanews
Email: shimaali01@hotmail.com
Wixii warar ee ku soo kordha kala soco baidoanews.com Isha koowaad ee wararka dhabta ah Ka soo dhiibo wixii fikirkaaga ama macluumaad aad heyso webmaster@baidoanews.com.
Baidoa Information Center