Waxaa skandaneevianka lagu soo gaba gabeeyay munaasabado loo sameynayay nabigeena Mohammed NNKH maalintii dhalashadiisa oo caalamkoo idil loogu dabaal degayay bishaan mowliidka.Munaasabadaan oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa howl wadeeno ka ahaayeen culumaudiinka ahlu sunah wal jameeeca ee kunool dalalka la isku yiraahdo skandaneevianka, taasoo ay ka qeyb galeen saxafiyiin ka kala socday laamaha warbaahinta sida ETN,Universal,Qarantv, Radio copenhegan, Reegay iyo kuwo kale oo badan.
Culimadaas waxaa horkacayey Sheikh A/raxmaan Sheikh Muxyadiin Cili iyo Sheikh Abaa oo ay horkacayeen culimo iyo mashaaikh kale oona kayid Swiden, waxaana munaasabadaan marti geliyay oo si weyn usoo dhaweeyay sh. Abaas iyo Sh.Ismail Xaaji Moalin iyo Sh. Faarax Xaaji Faqi,Sheikh Ibrahim Sh.Macalin Qulqule iyo mashaaikh Ibrahim Xaaji Moalin Xaaji Cali Xaaji A/laahi oo ahaayeen .





Munaasabadaan lagu xusayo dhalashada nabigeena suuban NNKH ayaa waxay noqoneysaa tii 4aad ee lagu qabto magaala madaxda wadanka Denmark Kobenhagen.
Siirada Nabiga NNKH waxaa boqolaal qof oo munaasabaas kasoo qeyb gashay gaarsiiayy si fasiis ah oo cajiib badan maamulka shabakada reegay.com Ibraahim Xaaji Aadan, sh. Cabdiraxmaan sheekh muxiyadin Cili ayaa asna halkaasi khudbado diini ah ka jeediyay.
Abowasharow-Baidoanews
Email: abowasharow@hotmail.com
Wixii warar ee ku soo kordha kala soco baidoanews.com Isha koowaad ee wararka dhabta ah Ka soo dhiibo wixii fikirkaaga ama macluumaad aad heyso webmaster@baidoanews.com.
Baidoa Information Center