Afhayeenka al shabaab Sheekh Cali Dheere oo ka hadlayay magaalada Muqdisho, ayaa ka jawaab bixiyay cunaqabateyno ay sheegeen in ay Al- Shabaab ku soo rogeen dawladdaha Canada iyo Ingiriisa,
Afhayeenka Al- Shabaab ayaa sheegay in aysan cidna ka soo horjeeda Kitaabka Alle ka dooneyn aqoonsi iyo waheltoona, isagoo sheegay in ay dalalkaasi maalin kasta dhibaato ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed, isla markaasna aysanba ka dooneyn waxba wanaaga ah oo ay ka dhacayso oo kaliya in ay kula hadlaan gumuca rasaasta.
Sheekh Cali Maxamuud Raage wuxuu ku sifeeyey go’aankaas mid ladoonayo in lugu burburiyo dadka Soomaaliyeed ee jooga dalalkaasi, maadamaa ay ka tagi waayeen diintooda Suuban, isagoo ugu baaqay dadkaasi in aysan marnaba ka tagin diintooda, oo ay ku adkeystaan go’aankooda.
Xarakada Al- Shabaab ayaa sheegtay in aysan waxba uarkin arrintaas, isla markaasna ay farxadgalisay cunaqabateyn lasaaro dhinacooda, waxa ayna sheegeen in ay taasi muujinayso cadaawada gaalo iyo la socdayaashu uhayaan diinta Islaamka.
waxa ayna sheegtay in aysan waxba uarag weerar lugu soo qaado dalka Soomaaliya, oo ay horay iskaga difaaceen kuwa la mid ah, kuwa hada la qorsheynayo.
Xafiiska Wararka Muqdisho Ee Baidoanews
Wixii warar ee ku soo kordha kala soco baidoanews.com Isha koowaad ee wararka dhabta ah Ka soo dhiibo wixii fikirkaaga ama macluumaad aad heyso webmaster@baidoanews.com.
Baidoa Information Center