Mon, March, 08-2010 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FREIND  
Sheekh Aaden Maxamed Nuur (Madoobe) Ku simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliyeed oo Saxaafada lahadlay ayaa sheegay in 8-da Maarso ay tahay maalin ku weyn haweenka Caalamka, gaar ahaan Haweenka Soomaaliyeed oo Maanta u dabaaldegayay Munaasabadaasi.

Kusimaha Madaxweynaha Md Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa hambalyo u diray haweenka Soomaaliyed meel kastoo ay joogaan iyo kuwa caalamka isagoo u rajeeyay in sanadkan sanadkiisa ay ku gaaraan farxad iyo baraare.

Tacadiyada loo geysto haweenka kuwaasi oo isugu jira Kusfi, dil, jirdil iyo tacadiyo kale, waxa uuna sheegay in Dowladdu ay  ka warqabto Dhibaatooyinka iyo Tacaddiyada lagula kaco haweenka Soomaaliyeed.

 waxa uuna intaasi ku daray in Haween badan oo Soomaali ah la gowracay, qaarna la rajmiyey iyadoon la soo bandhigin Nimankii la sameeyay falalka lagu dilay Haweenka  falalkaasina waxa uu sheegay inay yihiin kuwa ka baxsan xuquuqul- Insaanka.

 

Gudoomiyaha Baarlamanka ahna kusimaha Madaxweynaha sidoo  kale waxa uu ka warbixiyay Ugu dambeytii Waxa uu Guddoomiyaha Baarlamanka hadalkiisa ku soo xiray inay Haweenka Soomaaliyeed Door Muhiim ah ka qaateen Horumarinta Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed Xilligii loo halgamayay Jiritaanka Soomaaliya, isagoo ka codsaday haweenka Soomaaliyeed ee ku sugan Gudaha iyo Dibadda Dalka inay sii labo jibaaraan Dadaalkooda ku aadan ka qeybqaadashada Samata bixinta Ummadda Soomaaliyeed.

Xafiiska Warfaafinta Guddoomiyaha Baarlamanka Muqdisho.

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco baidoanews.com Isha koowaad ee wararka dhabta ah Ka soo dhiibo wixii fikirkaaga ama macluumaad aad heyso webmaster@baidoanews.com.

Baidoa Information Center

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Virivication Code :  
 
 
 
HAMBALIYO AROOS Views: 115362
 
© Copy Right Baidoa Information center 2009 - 2010 All Rights Reserved. - Powered by: Ileys Web Control 2.0 Free counter and web stats

Visitors online: 009