Maaxiye Cabdinuur wariyaha Baidoanews Alta Jubba oo xiligaan kusugan degmada diinsoor ee gobolka baay ayaa sheegay in xalay saqdii dhexe qaar kamid ahaa gawaaridii ku xanibneyd Idaale iyo Diinsoor meel u dhaxeysay inay ka baxeen oo diinsoor gaareen halka welina ay qaar kale ay dhoob ku niraan
Gawaaridaan ayaa la sheegay inay kor udhaafayaan 10 baabuur oo nooca xamuulka iyo rikaabka isugu jira waxaana qaar kamid ah saqdii dhexe ee xalay lagu guuleystay in laga saaro dhoobadii ay ku jireen oo ay u dhaqaaqaan dhinaca degmada diinsoor oo ay hada saacad ka hor gaareen.
Darawada gawaaridaasi lasocota ayaa lagu soo waramayaa inay wel wel iyo cabsi ka qabaan in markale dhoobo ay galaan baabuurtaas oo kusii jeedaan qaarkood Dhoobley, waxaana ka horeeya roobab xoogan oo halkaasi ka da,ay kaasoo aan la ogeyn sida ay gawaaridaasi ugu gudbidoonaan .