Mon, March, 08-2010 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FREIND  
Ka dib kulan ay qaateen golaha wasiirda ee Dalka Canada kaasi lagu falaqeeyey xaaladada dadka Soomaliyeed ee Canada ku nool iyo xiriirka ay la lahaan karaan Al Shabaab ayaa kulnka ka db waxa la shaaciyey in Al Shabaab laga mamnuucay Dalka Canada

Dowlada Canada ayaa sheegaty in Kooxda Al Shabaab ay ku dartay liska Argagixisada dalkeeda ka dib markii ay u cadaatay in Al Shabaab xiriir dhow ay la leeyihiin Al Qaacida.

Sidoo kale dowlada Canada ayaa sheegatay in ay ka war heshay in kooxda Al Shabaab ay wado qorshayaal ay ku kasbaneeyso dhalinyarada Soomaalida ee ku noal Canada si ay falal argagixiso uga geeystaan dalka Canada sida hadalka loo dhigay.

Dowlada Canada ayaaa waxa ay digniin u jeedisay Soomalida ku nool Dalka Canada gaar ahaan dadka dhalinyarada ah oo loo sheegay in ay ka dhoorsadaan la fal galka kooxda Al Shabaab maadamada ay yihiin argagixiso sida hadalka loo dhigay.

Arintaa ayaa walaac ku beertay dadka Soomaalida ah ee ku nool Canada , waxaana dowlada Canada ay bilowday in il gaar ah ay u yeelato Soomalida Candiyaanka ah gaar ahaan dadka da,da yar kuwasi oo la tilamaamay ay u nugul yihiin in la marin habaabiyo.

Go,aankaan dowlada Canada ay uga xaaraantinimeysay dalkeeda Al Shabaab ayaa daba socota go,aan dhowaan ay ka gaartay dowlada Ingariiska kaasi oo ay dalkeeda uga mamnuucday Al Shabaab.

Xasan Hoosow Baidoanews-Canada

Email: ex_hoosow@hotmail.com

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco baidoanews.com Isha koowaad ee wararka dhabta ah Ka soo dhiibo wixii fikirkaaga ama macluumaad aad heyso webmaster@baidoanews.com.

Baidoa Information Center

 

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Virivication Code :  
 
 
 
HAMBALIYO AROOS Views: 115354
 
© Copy Right Baidoa Information center 2009 - 2010 All Rights Reserved. - Powered by: Ileys Web Control 2.0 Free counter and web stats

Visitors online: 008