Mon, March, 08-2010 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FREIND  
Ayadoo awlaadi nabiyuna Aadan lix ruux ah,ayaa waxaa is diley Haabiil iyo Qaabiil,hadan Alle tarantooda ma joojin,waa soo jirtey xumaan,samaan,dhib,dheef iwm,waana sii jiri doontaa intii laga gaarayo wakhtigii Ilaahay ugu tala galey,waana arrin rabaani ah.

Walow sidaas tahay, hadana waxaa la is faray in Alle xaq
lagu caabudo xumaanta la iska reebo wanaagana la is faro.
 
Hoos u dhaadhac,qofna caad kama saarna in dhibaatada digilmirifle
ay walaalahooda kale ka sheeganayaan mar hore soo bilaabate,bal
micneybi heestan(MADII KORKI KOOYTN KURIITA KLAN KLAASAN KOBLEYSADAASAN UNILY AHNI KAHAAS)rag muhaajinti ka mid ahaa loo qaadey markii isbedel laga dareemey.
 
FARTA BOOGTA AAN DARO,horey ayaan isugu iftiminey in dhibaatada mar hore soo bilaabatey,inta badan waxaa naloo adeegsadey awood dowladeed,dhul Soomaaliyeed taako shuraaka ah ma jiro,hadana la isuma diidan daaqsiimo iyo deegaanba markay nabadi jirto,colaadu(bil akhs) dareerkeeda ayey leedahay. 
 
Mas'uul gobolka,degmada,taliyaha saldhiga iwm,dhulka digilmirle waxaa loo soo bedeli jirey dad aan u dhalan,midba midka ka qabilaa
-lad badan,xariifna ku ah sida dad loo kala furfuro(qeybi oo xukun),
wuxuu keensan jiray rag ay is xigaan(hayb wadaag)isagoo aqon yahankii meesha u dhashey jooga wuxuu shaqaalsiin jirey kuwi isagi soo tahriibiyey(naas nuujis).  Wax maka xasuusan kartaa(Bay proje
-ct)iyo hal haskisii shaqadu Baydhabo shaqaalada  Laascaanood.
 
HAALAW WEL AFIISA HATAARIN:
Dowlad kasta oo dunida ka jirta waxay shacabkeeda ka qaada canshuur,waxaana looga adeega dadkii laga qaadey,yaa ii sheegi
kara canshuur laga qaadey gobolka konfureed ee Somaaliya degma
ama gobol wax loogu qabtey?yaa ii iftiimin kara gobolada wax soo
saarka leh wax lagu hormariyey?bal xuriyaddi dowladnimo waxay
ka dhaxleen,beerihii Taliyaniga ka tagey inay la wareegaan Dowladdii (SYL),tii militeriga dhul xor leh ayey ku darsadeen intii
hore,20kii sanno ee dowlad la'aantu jirtey maxaa kuu baxay?
 
XASUUS: Waxaan rabaa inaan xoosta ka xariiqo,xisbi.urur,maamul
iwm,oo digilmirle ay sameysteen wuxuu ahaa  ama ahaan doona mid
ay isaga celinayaan kuwan hororka ah oo aan waxba lala wadaagi
karin Allena wax noogu darey.fiiri HDMS,SDM.RRA,ma soconeyso
nina lagama yeelaayo(hata kooyi anii sin xukume).
 
Sikastaba, haku timaadee cadaalad daradii la soo maray wixii laga
dhaxley waa loo wadajeeda,yaa mas'uul ka ah ?2. qomiyadda aan ka hadleynu khaladka wax maku leeyihiin? 3.kuwi horey in khalad
umadii ay mas'uul u ahayeen ka galeen ku hadda mas'uulka ah ma
og yihiin? 4.haday og yihiin iyaga maxay umadooda u hayaan?
5.aamin ma dhihi laheyd haddi aan irahdo Ilaahow kuwo kuwan ka
sii liita mas'uul ha ugu dhigin D/M ? 6.Xarig jiidkan sideed u aragtaa?
7.urur diimed(farta gely dhidhamb)?
 
Waxaan hadal keyga ku soo gunaanadayaa haddi aan la helin rag
aqoon leh, umadooda wax ugu qabta aqoontooda sida dr.Cabdalle
iwm waxaa hubaal ah in laga hoos mari doon heerka maanta aan joogno,1960kii ilaa maanta R/Baarlamaan ayaa laga badin la 
yahay,kaasaba la wayn doonaa haddi aan la is daba qaban.
 

Qormadaan waxaa diyaariyay M.A.Abdiyow(Malaaq)

Email: taliyow1@hotmail.com

 

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco baidoanews.com Isha koowaad ee wararka dhabta ah Ka soo dhiibo wixii fikirkaaga ama macluumaad aad heyso webmaster@baidoanews.com.

Baidoa Information Center

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Virivication Code :  
 
 
 
HAMBALIYO AROOS Views: 115353
 
© Copy Right Baidoa Information center 2009 - 2010 All Rights Reserved. - Powered by: Ileys Web Control 2.0 Free counter and web stats

Visitors online: 006