Mon, March, 08-2010 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FREIND  
Xoogaga hubeysan ee xarakada shabaabul mujaahidiin oo ganacta ku haya degmada Baydhabo ayaa waxay bilaabeen howlo lagu dayactirayo Buundada Gasarta oo halis u aheyd inay go,do dhowaan.

Buundadaan oo halis u aheyd inay gebi ahaanba go,do oo ay kala go,aan isu socodka gawaarida xamuulka iyo kuwa rikaabka isaga kala goosha Baydhabo iyo muqdisho ayaa maanta lagu bilaabay dayactir lagu hagaajinayo burburka buundadaasi.

Sheekh Maxamuud Mukhtaar oo ah kuxigeenka degmada Baydhabo ayaa waxa uu wadaa qorshahaasi lagu dayactirayo buundada Gasarta, wuxuuna baidoanews u sheegay Maxamuud Mukhtaar in hadii ganacsatadii iyo iskaashatadii baabuureyda iska indha tireen balse ayagu howshaasi qabanayaan.

Masuuliyad ayaa naga saran inaan dayactirno Buundooyinka burbursan,wadooyinka, iskoolaadka waxbarashada iyo guud ahaanba adeegyada bulshada intooda kale ayuu yiri Sh. Maxamuud oo uu sheegay in buundadasi kadib ay bilaabi doonaan howlo kale.

 

Abowasharow-Baidoanews

Email: abowasharow@hotmail.com

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco baidoanews.com Isha koowaad ee wararka dhabta ah Ka soo dhiibo wixii fikirkaaga ama macluumaad aad heyso webmaster@baidoanews.com.

Baidoa Information Center

 

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Virivication Code :  
 
 
 
HAMBALIYO AROOS Views: 115348
 
© Copy Right Baidoa Information center 2009 - 2010 All Rights Reserved. - Powered by: Ileys Web Control 2.0 Free counter and web stats

Visitors online: 009