Mon, March, 08-2010 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FREIND  
Al shabaab ayaa ku eedeysay inay xiriiro qarsoodi ah laleeyihiin Dhariiqada Reer Banaani kooxda ahlu sunah wal jameeca oo dagaal kala dhaxeeya xarakada al shabaabul Mujaahidiin.

Waxgaradka iyo odoyaasha Banaani oo aan xiriir la sameynay ayaa baidoanews waxay u xaqiijiyeen inuu jiray kulan saacado qaatay oo ay yeesheen xarakada al shabaab masuuliyiinteeda Baydhabo kuwaasoo ka yimid dhinac degmada Qansaxdheere oo xalay gaarey Toosweyne iyo Berdaale.

Odoyaasha Banaani waxay sheegeen in lagu eedeeyay inay xiriir  la yeelatay beeshooda kooxda Ahlu Sunah Waljameeca oo ah koox diimeed ayana kasoo horjeeda dhaqa dhaqaaqa xarakada al shaabul mujaahidiin, taasoo ay beeniyeen inay xiriir iyo wada shaqeyn toona aan la laheyn Ahlu Sunah.

Eedeynta kadib waxay na weydiiyeen buu yiri Nin magaciisa kusoo koobay Aw-MAnuur in shabaab weydiisatay hubka beesha in lagu wareejiyo mujaahidiinta isla markaana laga qeyb qaato dagaalada jihaadka ah sida uu hadalka u dhigey Aw Manuur, Balse beesha Banaani Waxay Sheegtay Inaysan Hub heysanin wixii ay heysteena ay horey u qaateen al shabaab.

Sikastaba ha ahaatee Al shabaab oo si weyn loogu taageero  Gobolada Baay iyo Bakool ayaa ah mid ka duwan goobaha ay degan yihiin Jameecada Sheekh Banaani waxay kasoo hor jeedaan siyaasada iyo dhaq dhaqaaqa al shabaab waayo waa meesha uu ka shidaal qaato wasiirka Beeraha Maxmed Ibraahim xaabse Oo  aad u neceb xiligaan kooxda al shabaab.

Abowasharow-Baidoanews

Email: abowasharow@hotmail.com

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco baidoanews.com Isha koowaad ee wararka dhabta ah Ka soo dhiibo wixii fikirkaaga ama macluumaad aad heyso webmaster@baidoanews.com.

Baidoa Information Center

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Virivication Code :  
 
 
 
HAMBALIYO AROOS Views: 115370
 
© Copy Right Baidoa Information center 2009 - 2010 All Rights Reserved. - Powered by: Ileys Web Control 2.0 Free counter and web stats

Visitors online: 009