Mon, March, 08-2010 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FREIND  
Waad ogtihiin wixii nalagu sameeyey cid weliba wuu la socdaa 20 sano oo aan soo dhaafney dagaalkii sokeeye, waxeyna aheyd gardaro cad oo aan geed lagu soo gaban.

Si kastaba ha noqotee mustaqbalka Koonfur Galbeed muxuu noqon karaa? ma ogtahay dadka kasoo jeedo Koonfur Galbeed  inay leeyihiin cadaawado badan  oo kuwaasi aysan marnaba u ogoleyn inaan horumar gaarno. hadaba arrintu jirta waxey tahay Koonfur Galbeed ee Soomaaliya waxay leedahay dhulal aad u wanaagsan oo bilicdooda ka muuqato dhul beereedka iyo Xoolo dhaqatada  sida Geela Lo'da Ariga I.W.M.

Waxyaabha kale la doonayo ee Soomaalida kale ayaa waxey tahay in nalaga dhaxlo dhulbeereedka  si ay u qaataan ka dibna laguugu shaqeeyo maskaxdana lagaa dilo oo lagu gumeysto, sidii hadda ka hor naloo baabi'iyey labaatankii sano aan soo dhaafney. walow Soomaalida kale ay nala qabeen balse anagaa  ayaa ugu darneyn waxyaabihii foosha xumeyd nalagu sameeyey.
 
Dadka ka soo jeedo Koonfur Galbeed ee Soomaaliya waxaa wax loogu bedeli karaa idinkoo isku duuban oo halmeel kasoo wada jeesataan, kana fogaataan xinta aad is ximinaysaan una ogalaataan cidda aqoonta durugsan u leh waxqabadka wanaagsan wadankooda sidii horumar ay ku gaarsiin lahaayeen, waxa meesha la isku dhaafey waa  karti iyo aqoon.
 
Wxaaan idiin sheegayaa anagu horumar waanu sameyn karnaa  haddii aan dadaalno oo hoos aan ka soo dhisno macnaheygu waxaa weeye geedku markaad tilaaleysid waa inaad ka soo bilowdaa jiridka hoose ka dibna geedkaasi w uu talaalmayaa ka dibna waxaanu noqoneynaa udub dhexaad aan laga dhaqaajin karin meesha, Soomaalidu waxay tiraahdaa ''Gacmo wada jir bey wax ku qabtaan'' Marka hore waa inaan kor u qaadnaa luqadeena hodanka ah ALIF Maayga oo aan olalaha aan gaarsiinaa sidii Dugsiyada loogu qori lahaa Miyi iyo Magaalo oo ay kasoo jeedaan Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.
 
Waa laga wanaagsan yahay inaan noqono garab buuxiye oo kuraasta nalagu buuxsado maanta inta noogu jirto xubnaha Dowladda ku meel gaarka  dib haloo eego waxa ay meesha ka yihiin ma jiraan walow xaqoodii ay ku lahaayeen dowladda ku meel gaarka marnaba ma ogo xitaa kama hadli karaan waxyaabaha iyaga ay doonayaan waxeyna matelayaan Koonfur Galbeed ee Soomaaliya  iyagiibaa lagu gorgortamayaa ma aqoono taasi waxaa sababey nagama dhul weyno nagama dad badan waa arrin cajiib ah.
 
Koonfurta Galbeed ee Soomaaliya dhaqaalaha ugu badan laga helo waa anaga, hadana inagey noo tashadaan wax weliba naga sameeyaan  marnaba horumarkeenu ma aysan ogalaanayaan. hadaba waxaan idiin sheegayaa Koonfur Galbeed ee Soomaalya dadka kasoo jeedo hadey is raacaan oo ay midoobaan Soomaalida inteeda kale waxba ugama baahnaaneyno waayo waxaanu haysanaa dhulka ugu wanaagsan dhul beereedka Berri iyo Badna waanu leenahay weliba waxaa sii dheer labada webi Shabeele iyo Jubba ka waran haddii dhulkaas nicmada Illaahii ku siiyey qof kale  haduu kaaga faa'ideysto. maxaa u maleyn kartaa  adigoo dhulkaasi aad haysato aadan ka faa'ideysan dadka kale ayaa ka faa'ideysanaya, marka ogsoonaada waxaanu haysanaa fursad qaali aan ka faa;ideysano waa iga dardaaran.

Ahmed Sh.Hassan (Abti Cadde) Swiss Zurich,abti20@hotmail.com
Wixii warar ee ku soo kordha kala soco baidoanews.com Isha koowaad ee wararka dhabta ah Ka soo dhiibo wixii fikirkaaga ama macluumaad aad heyso webmaster@baidoanews.com

Baidoa Information Center

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Virivication Code :  
 
 
 
HAMBALIYO AROOS Views: 115349
 
© Copy Right Baidoa Information center 2009 - 2010 All Rights Reserved. - Powered by: Ileys Web Control 2.0 Free counter and web stats

Visitors online: 010